Puntland oo dil toogasho ah ku fulisay nin horey dil uga geystay duleedka Garoowe

0

GAROOWE (SMN) -Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay Cabduqaadir Muuse (Af-dheere) oo horey dil uga geystay duleedka magaalada Garoowe.

Eedeynta Cabduqaadir iyo maxkamadeyntiisa ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana ugu dambeyn lagu helay ilka Allaha u naxariistee marxuum Bootaan Maxamed Bootaan (Cawl) oo ka tirsanaa ciidamada PSF-ta, kaas oo dhacay 30-kii bishii September.

Goobta lagu qisaasay marxuumka ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada, iyada oo toogashada ay fuliyeen qoyska marxuum Bootaan Cawl.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here