Xildhibaano cusub oo maanta lagu doortay magaalada Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Xildhibaanadii ugu horreeyey Golaha Shacabka ee ka imaanaya Puntland ayaa maanta lagu doortay magaalada Garoowe ee maamulkaasi.

Doorashada ayaa waxaa inta badan kusoo baxay xubno aad ugu dhow madaxweyne Saciid Deni, kana tirsan golihiisa wasiirada.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa ah illaa 5 kursi, waxaana ku soo baxay xubnaha kala ah:-

1-HOP#235 Cabdullaahi Bidhaan Warsame.

2-HOP#200 Cali Yuusuf Cali.

3-HOP#196 Cabdi Ibraahim Warsame.

4-HOP#249 Cabdullaahi Xasan Rooble.

5-HOP#166 Axmed Cabdi Xaashi.

Tallaabada ay qaaday Puntland ayaa waxa ay qayb ka ah fulinta heshiiskii doorashooyinka ee dhowaan lagu gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here