Puntland oo faah faahin ka bixisay iska hor imaad ka dhacay Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal ayaa faah faahin ka bixiyay rasaas xooggan oo xalay saqdii dhexe laga maqlay magaalada Garoowe.

Rasaasta ayaa waxa ay u dhexeysay ciidamada ammaanka iyo rag hubeysan oo isticmaalayey waxyaabaha maanka dooriya, sida uu shaaca ka qaaday taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Ilyaas Isaaq Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor-imaadka dhex-maray labada dhinac, kaas  ooka dhacay dhanka buundada bari ee Garoowe.

Ugu dmabeyn wuxuu ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono kooxaha ka ganacsada Khamriga oo sida uu sheegay halis ku ah amniga caasimadda Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here