Puntland oo gacanta ku dhigtay nin dilal ka geystay waqooyiga Gaalkacyo

0

GAALKACYO (SMN) – Ciidanka booliska gobolka Mudug, qeybta Puntland oo howlgalo ka sameeyay Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay Mowliid Maxamuud Nuur oo ku magac dheer Ina caano Booro, kaas oo loo heesto inuu horey u dilay 2 qof.

Ciidamada ammaanka ayaa in muddo ah waxa ay ku raad-joogeen Mowliid oo dhawaan isaga oo ka maqan gacanta laamaha amniga ay xukun ku riday maxkamadda Mudug.

Eedeysanahaan ayaa loo heestaa dilka marxuumiinta kala ah Axmed Raawe iyo Maxamud Siciid Muuse iyo sidoo kale inuu ka ganacsan jiray maan-dooriyaha noocyadiisa kala duwan.

Taliska ciidamada booliska gobolka Mudug, qeybta Puntland ayaa dhanka kale wacad ku maray in ay si adag ula dagaalami doonaan dadka ka ganacsada maan-dooriyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here