Puntland oo guddi u saartay dadkii laga soo barakiciyey Laascaanood

0

GAROOWE (SMN) – Maamulka Puntland ayaa guddi wasiirro ah u saaray sidii wax loogu qaban lahaa oo gacan loo siin lahaa dadka Somaaliland ay ka musaafurisay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Sidoo kale waxaa jira dad hor leh oo Laascaanood laga soo saaray oo shalay gelinkii dambe gaaray degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Guddiga Puntland ay u saartay dadkaas waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo hoggaamin doono guddigaasi, waxaana ka shaqeyn doonaan sidii loo caawin lahaa dadka laga soo barakiyey gudaha Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here