Puntland oo guullo ka sheegatay dagaallo ka dhacay gobolka Bari

0

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamed Gallan shir jaraa’id ku qabtay guriga madaxtooyada Boosooso ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalo Puntland la gashay Al-shabaab iyo Daacisho oo ka dhacay buuraleyda gobolka Bari.

Gallan ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay guulo waaweyn ka gaareen dagaaladaas, ayna kula wareegeen deegaano badan iyo talisyo ay lahaayeen Daacish iyo Al-shaaab.

Dagaalka kowaad oo socday 7 bishii Jun ilaa 25 bishaas oo ka dhacay agagaarka Boosaaso ayuu sheegay in ay kula wareegeen deegaano badan oo ka mid yihiin Sugul, Ceel-gobaad, Dhadhaabo, Majiyahan, Ceel-dibir iyo Maraje.

Sidoo kale wuxuu sheegay dagaal socday 26 Jun ilaa 13 July oo ay Daacish kula galeen buuraha Calmiskaat ee gobolka Bari ay kala wareegeen deegaano iyo saldhigyo badan oo qaarkood ku yaallaan agagaarka degmada Balidhidhin.

Wuxuu xusay in ay Daacish ka dileen saraakiil sare oo ajnabi ah, walow uusan magacyadooda sheegin, sidoo kale wuxuu sheegay in ka qabsadeen saad iyo saanad ciidan oo ku qarsoonaa godod dheerdheer oo qaarkoood qodan yihiin ilaa 50-km.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamada Puntland u qaabilsan miinooyin ay fureen ama qarxiyeen ku dhawaad 70 miino oo ay dhigeen Daacish.

Khasaaraha dagaaladaas Puntland ka soo gaaray ayuu ku sheegay labo askari oo dhimasho ah iyo tobaneeyo dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here