Puntland oo kala qaaday maleeshiyaadkii ku dagaalamay Saax-Maygaag

0

Puntland ayaa ku guulaysatay in si rasmi ah loo kala qaado labadii dhinac ee ku dagaallamay tuulada Saax-Maygaag, kadib markii halkaas ay booqdeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

Mas’uuliyiinta oo kaashanaya odayaasha dhaqanka labada dhinac, ayaa fuliyay amarkii ka soo baxay Puntland oo ku saabsanaa in laga guuro dhammaan dhulka lagu dagaallamay.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland, ayaa sidoo kale ku sugan tuulada Saax-Maygaag, kuwaas oo u xil-saaran in ay fuliyaan amarka maamulka, islamarkaana xaqiijiyaan nabad-geliyada degaankaas.

Sidoo kale Puntland ayaa mamnuucday in wax deegaameyn ah laga sameeyo dhul-daaqsimeedka Saax-Maygaag iyo Sange-Jebiye, si loo xakameeyo colaadda ku salaysan muranka dhuleed ee u dhexaysa labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here