Puntland oo magaalada Boosaaso ku qabatay kooxo wax Tahriibiya

0

GAROOWE (SMN) – Booliska Puntland ayaa ka warbixyay howlgallo maalmihii la soo dhaafay ay ka samaeynayeen magaalada Boosaso ee gobalka Bari oo lagu soo qabqabtay kooxo dadka tahriibiya iyo sidoo kale hub.

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka bari Gaashaanle Sare Cadulqaadir Jaamac Dirir ayaa sheegay in howglladaan lagu qabtay shabakad dadka geysa dalalka Yaman iyo Suudaan.

Sidoo kale wuxuu intaa ku daray in ay qabteen hub lagu soo qariyay gawaari ciid lagu soo raray.

“Gobolka Bari waxaa ka dhisneyd shabakad dadka ka kaxeysa Boosaaso, Yaman geysa, Yemen ka gudbisa, Suudaan geysa ilaa Liibiya, dadkaas qeybtii joogtay Boosaaso waan qabannay iyaga iyo gaadiidkooda” ayuu yiri Gaashaanle Sare Cadulqaadir Jaamac Dirir oo BBC-da uga warramay arrintani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here