Puntland oo mamnuucday dadka ka imaanaya wadanka Hindiya

0

Puntland ayaa deegaanadeeda ka mamnuucday dadka ka imaanaya dalka Hindiya kadib saameynta cudurka Covid-19 ku hayo halkaas.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in “la joojiyay dadka ka imaanaya wadankaas waxaana ka codsanaynaa inay sii joogaan inta xaaladu is badalayso”

“Hadii ay dhacdo in qof uu yimaadaana waxaan diyaarinay inaan galino labo todobaad oo karantiil ah si loo hubiyo inuu caafimaad qabo meesha uu doono ha soo maro” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay bogga Facebook ee wasaaradda caafimaadka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here