Ciidamada Puntland oo qabtay markab si sharci daro ah uga kalluumeysanayey biyaha Soomaaliya

0

Ciidamada badda maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay markab kalluumeysi oo si sharci daro ah uga jalaabanayey biyaha Soomaaliya, sidda ay sheegeen saraakiil ciidanka maamulkaasi.

Puntland ayaa shaacisay in markabkaan laga soo qabtay xeebta degmada Qandala, kadib markii ay ka war heleen in uu halkaasi ka waday Jariif.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka badda Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in markabkaasi uusan wadan wax sharci ah, isla-markaana ay ku wareejiyeen hay’adaha caddaaladda maamulkaasi.

Ugu dambeyn ciidanka ayaa markabkaan iyo shaqaalihii la socday keenay dekedda weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, si looga qaado tallaabo waafaqsan sharciga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here