Puntland oo shaacisay inay u dhaqmeyso sida dowlad madax bannaan

0

GAROOWE (SMN) -Dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saartay war-murtiyeed ay ku caddeyneyso inay tahay ‘dowlad gaar ah oo ka madax bannaan’ dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa murtiyeedka oo ka koobnaa dhowr bog lagu sheegay in ay Puntland xaq u leedahay inay u madax banaanato howlaheeda gaarka ah.

“Puntland waxay xaq u leedahay inay u dhaqanto sidii dawlad u madax bannaan fulinta waajibaadyadeeda dawliga ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Arrintan ayaa daba socoto diidmadii Puntland ee ku aadaneyd laba qodob oo ka mid ahaa warmurtiyeedkii ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmo ka hor lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here