Puntland oo shaacisay inay waqti siineyso dadaallada socda

0

BOOSAASO (SMN) – Madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland ayaa markale war kassoo saartay dagaallada ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Puntland ayaa ku eedeysay agaasimaha hay’adda PSF-ta inuu weli sii hurinayo colaad ka dhacda magaalada Boosaaso.

Sidoo kale waxa au Puntland intaasi ku dartay inay diyaar u tahay wada-hadal, isla-markaana ay waqti siineyso dadaallada nabadeed ee haatan socda.

Halkan hoose ka aqriso:-

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxaa mar wal ba ka go’an illaalinta dowladnimada ku dhisan sareynta sharciga. Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in Agaasimihii hore ee PSF uu hurinayo colaad ka dhacda Magaalada Boosaaso, asagoo si aan kala sooc lahayn Magaalada ugu duqeynaya hoobiyaal ka mid ah hantida PSF ee laga sugayo inuu xilkeeda wareejiyo.

Haddaba, si loo dhiirigeliyo sidii xal nabadeed loogu dhammeyn lahaa xaaladda xil wareejinta masuuliyadda iyo hantida PSF, Dowladda Puntland waxay ku celinaysaa in ay wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaaladda Boosaaso, Dowladduna waxay qaadaysaa wixii tillaabooyin lagu fududeynayo dadaalada socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here