PUNTLAND oo shaacisay sababtii ay ku diiday qodobada qaar ee shirkii Muqdisho

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay khudbad ka jeediyay Garoowe ayaa ka hadlay sababtii uu ku diiday inuu saxiixo labo qodob oo ka mid ahaa war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu qabtay Muqdisho.

Deni ayaa faah-faahiyay sababaha ay ku diideen labadaas qodob oo kala ahaa: 1-In la federaaleeyo Garsoorka dalka, 2 Astaynta awoodaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku dooday in meesha la keenay qodobo aysan aqbali karin Puntland, isla-markaan aka hor imaanayo dastuurka iyo federaalka lagu heshiiyay.

“Labada qodob ee aan diidnay waxaa weeye 1-Habka Garsoorkeenna uu noqonayo oo ah garsoor madax bannaan sida aan rabno ku qotoma dastuurka iyo shuruucda aan leenahay waxaa meesha la keenay wax taa ka duwan oo aan suuragal ahayn in ay Puntland aqbasho koley intii garashadeydu markaas ahayd” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Saciid Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in qodobadaas ay u muuqdeen kuwo awoodda markale dib loogu celinayo dowladda dhexe, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in Puntland ay go’aan rasmi ah kasoo saari doonto arrintaasi, si ay u caddeyso mowqifkeeda.

“Qodobka kale waxa uu ahaa habka maamulka Dowladeed ee heer federal & State (Dowlad-Goboleed) loo qaybinayo oo isaga oo dhan u muuqday mid kasoo horjeeda Dastuurka Puntland, Kan Federaalka ee hadda aan heysano iy Doonista iyo caqliga federaaleenta Dalka uu diyaarka u ahaa, waxaa meesha kasoo baxday qorshe u eg in markale dib loogu celinayo Central (Dowlad-Dhexe). Waxa aan soosaari doonnaa mowqifka Dowladdaan aan ku sameyneyay muddada aan joogno si aan ula jaanqaadno” ayuu sii raaciyay madaxweyne Deni” ayuu markale yiri madaxweynaha mamaulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here