Puntland oo tababar u furtay ciidamo loogu talagalay doorashada

0

BOOSAASO (SMN) – Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud ayaa maanta Bosaaso ka daah-furay tababar ku saabsan sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka ee magaaladaasi.

Tababarkan ayaa socon doona mudo 6 cisho ah, waxaana ka qeyb-gali doono saraakiil ka socota laamaha ammaanka, qaar ka mid ah wasaaradaha Puntland iyo xubno ka socda dowladda Hoose ee Bosaaso.

Puntland ayaa haatan u diyaar garoobeyso doorashooyinka Golaha Shacabka oo dhowaan ka bilaabanaya gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here