Puntland oo toogasho ku fulisay 21 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Puntland ayaa saaka oo Axad ah Gaalkacyo ku toogatay 18 xubnood oo lagu helay in ay ka tirsan yihiin dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, isla-markaana ay dilal iyo qaraxyo ka fuliyeen deegaanada maamulkaasi.

Maxkamadda ciidamada Puntland, ayaa hore xukun dil ah ugu ridday raggan oo ka kooban shabakado Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada Gobolka Mudug, gaar ahaaanna magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale xukmanayaasha la toogtay waxaa ku jira, horjoogayaal sare oo wareysiyo laga qaaday ku qirtay in ay hoggaamin jireen Amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Mudug.

Faysal Axmed Bashiir (Gujis), Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib) iyo Maxamed Cali Cuuke (jeeri) ayaa kamid ah saraakiisha saaka lagu toogtay Gaalkacyo.

Sidoo kale, caasimadda Garoowe waxa saaka lagu toogtay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo lagu hayay xabsiga weyn ee Garoowe, halka magaalada Qardho lagu toogtay hal xubin oo Shabaab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here