Puntland oo u hambalyeysay Ra’iisul wasaaraha cusub ee la magacaabay

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo u diray Xamze Cabdi Barre oo loo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha 21-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan hambalyo iyo boggaadin u diraya Xildhibaan Xamze Cabdi Barre oo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, u magacaabay Ra’iisal Wasaaraaha Xukuumadda JFS” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Deni ayaa u rajeeyay Ra’iisal Wasaaraha cusub in alle u fududeeyo masuuliyadda “Waxaan Ra’iisal Wasaaraha cusub u rajeynaya in alle u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

DHAMMAAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here