Puntland oo war cusub kasoo saartay dagaalka ka socda Boosaaso

0

BOOSAASO (SMN) – Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa ku dhowaaqay xabad joojin rasmi ah oo ka dhaqan-galeysa magaalada Boosaaso.

Gallan ayaa shaaca ka qaaday inay soo dhoweynayaan waan-waanta ay haatan wadaan Isimada Puntland ee xalka u raadinayo xiisadda Boosaaso.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay wada-hadal la galayaan PSF, si deganaan loogu dhammeeyso xiisadda ka dhalatay xilka qaadista agaasimaha hay’addaasi.

Xaaladda ayaa magaalada haatan ah mid deggan, waxaana wararka ayaa sheegay inuu dib usoo noqday dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here