Puntland oo war ka soo saartay geerida Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

0

GAROOWE (SMN) – Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ka mid ahaa hoggaanka dhaqanka ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

“Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun

Anigoo ku hadlaya magacayga, kan Goleyaasha dowladda iyo kan shacabweynaha reer Puntland waxaan ka tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ku geeriyooday Garoowe.

Alle naxariistii Jano haka waraabiyee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed wuxuu ka mid ahaa Isimada ugu facaweyn guud ahaan Soomaaliya, si gaar ah Garaadku wuxuu wakhtigiisii ugu badnaa geliyey nabada iyo xasiloonida reer Puntland oo uu kamid ahaa Isimadii u guntaday Aas-aaska dowladda Puntland oo si weyn loogu xasuusto doorkiisii wanaagsanaa.

Waxaa eebbe u weydiinayaa inuu qabriga u waasiciyo qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabweynaha Soomaaliyeed iyo Puntlandba uu ka siiyo samir iyo iimaan taam ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA PUNTLAND.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here