Puntland oo war ka soo saartay weerar ka dhacay magaalada Boosaaso

0

BOOSAASO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo  xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi.

Booliska Puntland ayaa shaaca ka qaaday in kooxo hubeysan ay bambo ku tuureen bartamaha magaalada, waxayna sheegeen in weerarkan uusan geysan wax khasaare ah.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in ay haatan wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

WAR-GELIN:

Taliska Ciidanka Booliska Puntland waxay ku wargelinayaa shacabka Magaaladda Boosaaso in abaare 8:20 PM fiidnimo caawa koox sharwadayaal ah ay Bambo-gacmeed ku tuureen agagaarka Garoonka Kubadda cagta ee magaaladda Boosaaso kaas oo aan wax khasaare ah geysan.

Ciidanka Booliska ayaa goobta gaaray waxayna wadaan baaritaan arrintaa ku saabsan.

Guud ahaan dadweynaha magaaladda Boosaaso iyo Puntland waxaanu ku wargelinayaa in cid walba falal amniga lid ku ah geysta gacanta lagu soo dhigayo, sharcigana ha hor-geyn doono.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here