Puntland oo war kasoo saartay dooda ka taagan xeerka gudniinka gabdhaha

0

Wasiirka Caddaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa sheegay in aysan jrin Aayad iyo Xadiis saxiixa oo ku soo arooray gudniinka gabdhaha.

“Gabdhaha gudniinkooda sharciga Islaamka markii la eego, waxaa wax laga qaataa kitaabka, sunnada Nabiga SCW iyo umadda qiyaasteeda, hal Aayad oo sheegaysa in ay ku soo aroortay gudniinka gabdhaha ma jirto, hal Xadiis oo saxiixa oo sheegaya in gabdhaha la gudi karana ma jiro” ayuu yiri Cawil Sheekh Xaamid.

Wasiirka Caddaaladda Puntland ayaa axaadiista ay culimada qaar u daliishato gudniinka gabdhaha ku tilmaamay kuwo daciifa oo aan axkaamta loo xujeysan karin.

Xaamud wuxuu xusay in cidii dood sharciyeed ka qabta xeerka gudniinka gabdhaha ay wasaaraddiisu diyaar u tahay in ay kala hadasho arrintaas.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xeerka mamnuucaya gudniinka gabdhaha yahay mabda’ ay qabto Xukuumadda Puntland, aysana jirin cid gaara oo gadaal ka riixaysa.

Wasiirka Caddaaladda ayaa hadalkan ka jeediyay shir jaraa’id oo wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland ugu jawaabayeen qaar ka mid ah culimada oo ka horyimid xeerka gudniinka gabdhaha ee horyaalla Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here