Puntland oo xukun adag ku ridday nin dil ka geystay magaalada Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Maxkamadda sare ee Ciidamada Puntland ayaa maanta xukun kama dambays ah ku ridday nin ku eedaysan dilka marxuum Bootaan Cawl oo Garoowe lagu dilay 30/9/2021.

Maxkamadda ayaa dil toogasho oo kama dambays ah ku ridday Maxamed Cabdulqaadir Muuse (Af-dheere) oo loo haysto dilka marxuum Bootaan oo ka tirsanaa hay’adda PMPF.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa sheegtay inay heshay caddeymo muujinaya in Maxamed Cabduqaadir Muuse (Afdheere) uu dilay marxuumka, sidaasina loogu xukumay toogasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here