Puntland oo xukun adag ku ridday rag ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada culus ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun dil ah ku ridday shan ruux oo lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib), Cabdulqaadir Axmed Ummal (Abu-Cabdalla), Maxamed Cali Cawke (Jeeri), Maxamed Cabdullaahi Ayaanle(Abbeyle) iyo Qaasim Jaylaani Al-turaabi, ayaa dhammaantood ahaa amiiro ka tirsan AL-shabaab, sida ay sheegtay Maxkamaddu.

Dhegaysiga Gar-maqalka dacwadda loo haysto shantan ruux, ayaa mudda laba maalmood ah ka socotay xarunta ay Gaalkacyo ku leedahay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada culus ee Gobollada Mudug iyo Cayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here