Puntland oo xukun dil toogasho ah ku ridday xubno ka tirsan Al-Shabaab

0

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntey 8 dhalinyaro ah oo la sheegay in ay ahaayeen shabakad katirsan Al-Shabaab oo dilalka ‘madax jabinta iyo qaraxyada ka geysan jirey’ magaalada Galkacyo gaar ahaan dhinaca Galmudug.
Maxkamadda ayaa muddo 30 cishe ah oo racfaan ah siisay xukumanayaasha, si ay u qabsadaan qareenno u dooda oo ka difaaca dambiyada ay ku mutaysteen xukunka dilka ah.

Sidoo kale maxkamada ciidamada Puntland, ayaa soo bandhigtay caddeymo maqal iyo muuqaal oo ay eedeesanayaashu ku qiranayeen in ay ka dambeeyaan dilal madax jebis ah iyo qaraxyo intooda badan ka dhacay Gaalkacyo dhinaceeda koonfureed ee Galmudug.

Dhowaan ayey aheyd markii 18 ka mid ahaa xoogaga Al-Shabaab lagu fuliyey xukun dil toogasho ah, kaas oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here