QM oo dalbatay Kaalmo wax looga qabanayo Abaaraha ka jira Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ayaa codsatay dhaqaale dheeri ah oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaraha sameyeen.

Sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee abaaraha, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNOCHA) sanduuqa Dhexe ee Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay waxaa uu sii daayay 8 milyan oo Doollarka Mareykanka ah, halka Sanduuqa Bani’aadamnimada Soomaaliya uu u qoondeeyay 6 milyan oo dollar si wax looga qabto xaaladaha ugu adag.

Waxa ay sheegtay in qiimeyn degdeg ah uu socdo si loo ogaado dadka ugu nugul iyo baahiyaha ka jira meelaha ugu badan ee ay dhibaatadu saameysey, iyada oo intaa ku dartay in la-hawlgalayaasha bini’aadantinimada, maamulka iyo bulshada maxalliga ah ay kor u qaadayaan gargaarka.

“Iyadoo aan la kordhin gargaarka bini’aadantinimo, ilaa 3.8 milyan oo Soomaali ah ayaa lagu qiyaasaa in ay soo food saartay cunto yari ba’an ilaa Janaayo, taasoo kor u kacday 4.6 milyan oo qof bishii May,” ayay tiri UNOCHA.

Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta Abaar ka sii dareysa ka dib saddex xilli oo isku xigta oo roobabku ay baaqdeen, waxayna halis ugu jirtaa xilli-roobaadka afaraad oo xiriir ah oo aan si wanaagsan loo helin sanadkaan 2021, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Waxa ay sheegtay in xaaladda sii xumaaneysa ay sii kordhisay dhimashada iyo xoolo la’aanta dadka ay saameeyeen abaaraha ee u baahan in si deg deg ah loo caawiyo , waxaa kaloo ay sheegtay in Soomaaliya la saadaaliyay in ay kor u kaceyso 30 boqolkiiba halka ay ka ahayd 5.9 milyan ayna gaari doonto ilaa 7.7 milyan sanadka 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here