Qaali Cali Shire oo ku soo baxday doorasho xalay ka dhacday Gaalkacyo

0

GAALKACYO (SMN) – Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa xalay lagu qabtay doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka, kaas oo ay ku tartameen illaa 4 musharrax oo haween ah.

Musharixiinta tartamay ayaa kala ah Ayaan Xasan Xuseen (Wacan), Hodan Cabdi Shire, Ubax Tahliil iyo Qaali Cali Shire.

Tartanka oo ahaa mid adag ayaa waxaa loo gudbay wareega labaad oo ay isugu soo hareen Ubax Tahliil iyo Qaali Cali Shire, waxayna ugu dambeyn guushu raacday Qaali Cali Shire.

Ubax Tahliil oo horey ugu fadhiday kursigan ayaa heshay 40 cod, halka Qaali Cali Shire ay heshay 61 cod, iyada oo sidaas ugu soo baxday kursiga HOP#060 ee Golaha Shacabka.

Doorashadan ayaa ka duwaneyd doorashooyinkii kale, maadaama tartanka uu ahaa mid furan, isla-markaana ay tartan adag wada galeen musharixiinta ku loolamayey kursigaasi oo ay ka soo baxday Qaali Cali Shire oo ku biirtay baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here