Qaar ka mid ah askartii lagu soo tababaray Eritrea oo laga soo celiyay

0

MUQDISHO (SMN) – Diyaarad sida qaybtii ugu horreysay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ayaa goordhow kasoo dagtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil ayaa ciidamadan oo muddo dheer la sugayey ku soo dhaweeyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Askartan lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa gaarayaa illaa 5000 oo askari, kuwaas oo uu madaxweynuhu sheegay in la soo daabulayo bishaan illaa iyo bisha xigta ee Janaayo.

Waalidiiinta Soomaaliyeed ee carruurtan ayaa si weyn ugu farxay dib u soo celintooda, maadaama ay sanado kadib ay dib ula midoobayaan wiilashooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here