Qaar ka mid ah ganacsiga Suuqa weyn ee Bakaraaha oo weli xiran + sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa weli xiran qaar ka mid ah goobaha ganacsiga Suuqa weyn, Baraakaha ee magaalada Muqdisho, kadib lacag ay ganacsatada dul-dhigtay Kooxda Daacish.

Mid ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey saameynta xirnaashaha suuqa uu ku yeeshay ganacsigooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in amar lagu siiyey inay bixiyaan lacag dhan illaa 30 kun oo dollarka Mareykanka ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Daacish waxay igu amreen inaan bixiyo 30 Kun oo Dollar, waad dareemi kartaa qiimahaas, marka suuqa waan xirnay,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here