Sawirro: Sidee Baydhabo loogu soo dhoweeyey dadkii lasoo raafay

0

BAYDHABO (SMN) – Qaar kamid ah dadkii laga soo masaafuriyay magaalada Laascaanood ayaa gaaray magaalada Baydhabo halkaas oo ay dib u dejin ka heleen maamulka Koonfur Galbeed.

Qoysaskan ayaa waxa ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay deegaannadooda gaareen oo ay ka soo baxeen dhibaato xooggan oo haysatay todobaadkii la soo dhaafay.

Dadkaa la geeyey Baydhabo ayaa qaarkood waxa ay ka hadleen qaabkii loo soo daad gureeyey iyo in ay jiraan wax loogu diyaariyey Koonfur Galbeed oo ay noloshooda ku kaabi karaan iyo in kale, maadaama ay laga soo raafay magaaladii ay horay ugu noolaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here