Qaramada Midoobay iyo Qatar oo ka wada-hadlay xaaladda Soomaaliya

0

Kaaliyaha Wasiirka Arimaha Dibada ahna Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Qatar Luul Bint Rashid Al-Khater ayaa kula kulantay magaalada Antalya ee dalka Turkiga Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan kulan dhinac socday Madasha Diblomaasiyadda, kaas lagu qabtay maagalada Antalya dalka Turkiga.

Labada Mas’uul ayaa iska xog waraysatay xaaladihii ugu dambeeyay Arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Sidoo kale Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna afhayeenka rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxay caddeeysay in dowladda Qatar ay si joogto ah u garab taagan yihiin Soomaaliya, taas oo ahaan doonta mid joogto ah sidoo kale ay qayb ka ahaan doonaam arimaha la xiriira amniga, horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here