Qaramada Midoobay oo taageera buuxdo siisay ra’iisul wasaare Rooble

0

Qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay shirka arrimaha doorashooyinka ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday inay taageero buuxdo siineyso ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isugu qaban qaabiyey shirkan la filayo inuu ka furmo caasimadda, loogana arrinsayo doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Halkan hoose ka aqriso:-

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa sharaf u ahayd in ay la kulantay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda xubnaha ka ah Federaalka maalmihii la soo dhaafay.

Waxaan ku dhiirrigelinnay dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed in ay si daacadnimo leh uga qeybgalaan Shirka Muqdisho ka dhacaya si dhakhso looga heshiiyo hirgelinta doorashada.

Tanaasul iyo is afgarad ayaa loo baahanyahay si Soomaaliya ay horay ugu sii socoto ugana faa’iideystaan dhammaan ka dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda kale ee Soomaaliyeed waxa ay heystaan taageerada Qarammada Midoobay ee ku aaddan guuleysiga Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka ee ay Soomaalidu hoggaamineyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here