Qarax ay dad shacab ah ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax khasaare geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Buulo Xaajo oo hoostaga magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleelay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayey halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaa ku dhintay ugu yaraan afar qof oo ahaa dhalinyaro, kana mid ahaa dadkii la socday baabuurka uu qaraxu haleelay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in shacabka deegaanka ay u gurmadeen dadka ay waxyeelada soo gaartay, waxaana ay goobta kasoo qaadeen meydadka iyo dhaawaca.

Deegaanka Buulo Xaaji oo uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa saaka gudaha u galay ciidamada Danab ee Xoogga Soomaaliyeed oo howl-gal ka sameeyeey deegaankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here