DEG DEG: Qarax goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goordhow ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday gaar, uuna ka dhacay agagaarka Aargada degmadaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Khasaare kala duwan ayaa la soo wariyey inuu ka dhashay qaraxan, waxaana sidoo kale socdo gurmad ballaaran oo loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Sida ay sheegayaan wararka aan heleyno waxaa sidoo kale qaraxa ku gubtay gaari nooca ay Soomaaliuda u taqaano Cabdi Bile ah.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaan goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay meesha ay wax ka dhaceen oo laga maqlayo rasaas xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here