Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay deegaanka Kalabeyr

0

BELEDWEYNE (SMN) – Qarax loo adeegsaday gaari xamuul ayaa waxyar ka dib salaaddii Jimcaha maanta lagu weeraray saldhig ay si ku meel gaar ah u degan yihiin ciidamada Gargor oo ku yaalla degmada Jawiil ee waqooyiga magaalada Baledweyne.

Gudoomiyaha degmada Jawiil Cabdulqaadir Cabdi Cabdullaahi ayaa sheegay in gaariga uu ku qarxay iridda hore ee xerada, wuxuuna intaas ku daray tiro koobka iyo faahfaahinta waxyeellada qaraxa ay dib kasoo sheegi doonaan.

Ciidamadan maanta qaraxa lagu weeraray ayaa ujeedada loo geeyay degaankaas waxay tahay in ay qeyb ka qaataan gulufka lagu doonayo in Al-Shabaab lagaga saaro degaano xuduudda u dhow oo bilahii ugu dambeyay in dhaqdhaqaaqyo ka wadeen.

Goobta maanta uu qaraxa ka dhacay ayaa ilaa 20 KM u jirta xadka Soomaaliya iyo Ethiopia

Xoogaga Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna sheegeen inay ku beegsadeen “maleeshiyo loo abaabulayey inay la dagaalamaan” Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here