Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax gaari loo adeegsaday oo goordhow ka dhacay isgoyska Banaadir ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa is-miidaamin ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo ka soo baxay xarunta Villa Byadhabo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan laba qof oo shacab ahaa, isla-markaana ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo xiray dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here