Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo Duhurnimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa oo uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay waddada Macalin Nuur oo ku taalla agagaarka isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu si gaar ah uga dhacay busteejo laga raaco gaadiidka, ayna ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku taalla halkaasi.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 10 kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Maalmihii lasoo dhaafay ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ahaa mid deggan, waxaana howl-gallo ballaaran oo amni xaqiijin ah ka waday ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here