Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Degmada Baardheere

0

Bardbeere ( SMN) — Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo saaka lagu weeraray hooyga uu Magaalada Baardheere ka degan yahay Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buule Gareed.

 

Weerarkan loo loo adeegsaday gaari nuuca raaxada oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu dhuftay albaabka hore ee hooyga Guddoomiye Buule Gareed.

Wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiin kale ay ku dhaawacmeen qaraxan.

Dhinaca kale, ugu yaraan labo ayaa geeriyooday kadib markii hoobiye uu ku dhacay guri ku yaalla Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Illaa hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ka dhacay Degmada Baardheere.

Kala soco Shabellemedia.com wixii warkan ku soo lotdha haddii Alla Idmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here