Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo ka dhacay degmada Jalalaqsi + Sawirro

0

JALALAQSI (SMN) – Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, 4 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii laba qarax oo is xig-xigay ay galabta ka dhaceen gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay agagaarka Buundada Jalalaqsi, halka midka kalena uu ka dhacay banaanka magaalada, kadib markii ay ciidamada ku fureen rasaas xoogan.

Waxaa lagu soo warramayaa in khasaaraha uu intaas ka badan karo, maadaama ay goobta ku sugnaayeen askar iyo shacab badan.

Sidoo kale  a jiro wax war ah oo illaa iyo hadda ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga ee dowladda.

Jalalaqsi ayaa ka mid ah meelaha uu hadda ka socdo abaabulka ka dhanka ah Al-Shabaab oo haatan inta badan laga saaray gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here