Qarax ka dhacay magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga

0

ISTANBUL – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in qarax ka dhacay wadada Istiklal ee magaalada Istanbul uu ka dhashay “Weerar bambaano”, isagoo intaa ku daray in lix qof ay ku dhinteen dhacdada.

 

Isagoo ka hadlayay shirka G-20 ee Indonesia maanta oo Axad ah, Erdogan ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa “weerar wuxuushnimo ah” islamarkaana kuwii ka dambeeyay la ciqaabi doono.

53 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxa Istanbul.

Waddada Istiklal waa waddo ay dadku ku badan yihiin oo caan ku ah dalxiisayaasha iyo dadka deegaanka oo ay safnaayeen dukaamo iyo maqaayado xiliga qaraxa.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya holac ka baxaya iyo jug xooggan, iyadoo dadka lugeynayay ay sii jeesteen oo carareen.

Muuqaalo kale ayaa muujinaya baabuurta ambalaasta, baabuurta dab damiska iyo booliska oo goobta ku sugan. Isticmaalayaasha baraha bulshada ayaa sheegay in dukaamada la xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here