Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Afgooye

0

AFGOOYE (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, xilli ay ku sugnaayeen suuqa qudaarta ee ku yaalla gudaha magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaan ku dhintay ugu yaraan illaa labo qof, halka ay dhaawacyo soo gaareen saddex kale.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jiro askar iyo sidoo kale shacab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana qaraxa kadib howlgallo sameeyey ciidamada Booliska, balse ma jiro illaa iyo hadda wax faah-faahin ah oo ay ka bixiyeen dhacdadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here