Qarax khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose

0

AFGOOYE (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay duleedka deegaanka Sabiid oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay waddada soo gasha deegaankaasi, waxaana lala beegsaday mooto Fekon ah oo ay la socdeen askari iyo qof shacab ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in qaraxa uu ku dhintay qofkii shacabka ahaa, ayada oo uu dhaawac soo gaaray askarigii la socday mootada la qarxiyey.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada duleedka deegaanka Sabiid ee gobolka Sh/Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here