Qarax khasaare geystay oo ka dhacay duleedka degmada Baraawe

0

BARAAWE (SMN) – Wararka ka imaanaya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay qarax khasaare geystay uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Ambareeso oo hoostaga magaalada Baraawe ee caasimadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa uu ka dhacay xero ay halkaasi ku leeyihiin maleeshiyaad ka tirsan kooxda Macawiisleyda ee la dagaalanta Xarakada Al-Shabaab.

Ugu yaraan illaa 7 ka mid ah maleeshiyaadkii ku sugnaa xerada ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi , sida uu xaqiijiyey Aadan Cumar Madoobe oo madax ka ah xeradaasi.

Shalay ayey aheyd markii qarax kan la mid ah uu ka dhacay gudaha magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/Hoose, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho & dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here