Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Kismaayo

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax galabta ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen koox ciyaartoy ah, xilli ay kusii jeedeen garoonka kubbada cagta ee Waamo.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxani uu geystay khasaare xoog-leh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta la xaqiijiyey ku dhintay ugu yaraan 4 ciyaartoy ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa war kasoo saaray qaraxaasi, wuxuuna tacsi u diray ehellada dhalinyaradii ku geeriyootay qaraxaasi, isaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg-deg ah.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida dhallinyarada ciyaartooyda ah ee argagixisada Al-Shabaab ay ku xasuuqeen qaraxa ka dhacay Kismaayo, ayaa tilmaamay in falkaasi uu ka marag kacayo sida ay argagixisadu cadow ugu tahay nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed,” ayaaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dowlada Soomaaliya.

Qaraxan ayaa ku soo aadayo, xilli magaalada Kismaayo ay haatan ka bilaabatay qabashada doorashada 2021-ka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here