Qarax xigtay rasaas oo ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (SMN) – Qarax khasaare geystay ayaa caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

 

Weerarka ayaa ka dhacay hotel Villa Rosa oo ku dhow madaxtooyada, gaar ahaan agagaarka xabsiga Godka Jilicoow, halkaasoo ay ku xiran yihiin rag ka tirsan Al-Shabaab.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxaha weerarka soo qaaday ay gudaha u galeen dhismaha hotelka oo ay inta badan fariistaan ​​mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo wasiirada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here