Qarax loo adeegsaday mooto Bajaaj oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka isgoyska Taleex ee degmada Hodan.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in qaraxa uu ka dhashay mooto Bajaaj laga soo buuxiyey walxaha qarxa, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qaraxan, waxayna mootada qaraxday, xilli ay mareysay agagaarka maqaayadda Fatxi oo ku taalla agagaarka isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here