Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxa ka dhacay magaalada Beledweyne

0

MUQDISHO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in barqanimadii maanta xoogan uu ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa is-miidaamin ayaa ka dhacay goob maqaaxi ah ooku taalla inta u dhexeysa xerada Lama-galaay & Buundada Liiq-Liiqato, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegay in qaraxa uu fuliyey qof isku xiray walxaha qarxa, waxaana ku dhintay16 qof  halka 2 qof oo ka mid ah dadkaas  ay kala ahaayen Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maareynta Gobalka Hiiraan Cabdirashiid iyo Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Degmada Beledweyne Cabdiraxmaan.

Sidoo kale dadka dhintay waxaa la sheegay inay ka mid ahaayeen musharaxiin dooneysa xildhibaanimo iyo ergooyinkooda, sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Goobta uu qaraxu ka dhacay oo aheyd maqaaxi ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here