Qardu Xasan oo laga bixiyay xarunta Salaam Somali Bank ee Guriceel

0

GURICEEL [SMN] – Ganacsato yaryar oo ku sugan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, ayaa ka faa’ideystay maalgalinta Qardu Xasan (free Microfinance) ee Salaam Somali Bank.

Xarunta Salaam Somali Bank ee Guriceel, ayaa ganacsatada lagu gudoonsiiyay lacago aan faa’ido laga rabin oo loogu tala galay inay ku kobciyaan ganacsiyadooda yaryar.

Maalgelinta Qardu Xasan ayaa horey looga sameeyay xaruumaha bangiga Salaam Somali bank oo ku yaalla Caasimadda iyo degmooyin dhowr ah oo gobollada Koonfurta iyo Bartamaha dalka ku yaalla tan iyo 2020.

Ganacsatada ka faa’ideystay maaligalinta Qardu Xasan, oo rag iyo dumar isugu jira ayaa uga mahadceliyay Salaam Somali Bank taageerada joogtada ah ay marwalba la garab taagan yihiin ganacsatada yar yar ee dalka.

Maamulka Bangiga, ayaa shaaciyay in Qardu Xasanka lagu dhiira-gelinayo ganacsatada Soomaaliyeed ee leh riyooyinka iyo hal-abuurka inay ku kobciyaan ganacsigooda.

Maal-gelintan ayuu maamulka sheegay in la gaarsiin doonaan dhamaan dalka, waxaana uu qeyb wayn ka qaadan doonaa sare u qaadista shaqa abuurka iyo dhaqaale dalka Soomaaliya oo hadda ku jira soo kabasho.

Hoos ka daawo sawirrada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here