Qatar oo si kulul u cambaareysay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Dawladda Qatar ayaa si kulul u cambaaraysay weerarkii ay maanta Al-Shabaab la beegsadeen Afhayeenka Xukuumadda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu, kaas oo uu dhaawac ka soo gaaray.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa lagu sheegay in ay si aad ah uga soo horjeeddo ficilada ka dhanka ah siyaasiyiinta iyo dadka kale ee rayidka ah.

Sidoo kale, war saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in dowladda Qatar caafimaad deg deg ah u rajaynayso afhayeenka xukuumadda Soomaaliya oo la dhigay isbitaalka Digfer.

Qaraxa lagu weeraray Macallimuu ayaa waxaa fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay waddada weyn ee Maka Al-Mukarrama.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here