Qatar oo si kulul u cambaareysay qaraxii ka dhacay Ceelgaabta

0

DOOXA (SMN) – Dowladda Qatar ayaa cambaareysay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Isgoyska Ceel-Gaabta ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen siddeed qof, halka sagaal kalena ay ku dhawacmeen.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ayaa lagu sheegay in dowladda qatara ay si kulul u cambaareyneyso weerarkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Qatar ay ku celisay diidmadeeda rabshadaha iyo aragagixisada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ayaa dhinaca kale tacsi uga dirtay dowladda Soomaaliya, shacabka Soomaaliya iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxaan, iyadoo sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeysay dadkii ku dhaawacmay.

Siddeeda qof ee qaraxan ku dhintay waxaa ka mid aheyd Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here