QM oo beenisay in qaraxii maanta lala beegsaday shaqaalaheeda

0

MUQDISHO (SMN) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay wadada 21-ka Octover, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur.

QM ayaa marka hore cambaareysay weerarkan qaraxa loo adeegsaday, iyada oo sidoo kale tacsi u dirtay ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee goor sii horreysay oo maanta ah ka dhacay magaalada Muqdisho.Waxaana ay tacsi u direysaa ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas, iyadoo u rajeysay kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale Qarmada Midoobay ayaa beenisay in qaraxa lala beegsaday shaqaalaheeda ama qandaraaslayaal u shaqeeya.

“Si ka duwan wararka qaar ee horay u soo baxay, ma jiraan shaqaale Qaramada Midoobay ka tirsan ama qandaraaslayaal ah oo ku jiray kolonyada la beegsaday,”.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, waxaana ay shaacisay inay la beegsatay saraakiil cadaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here