QM oo boggaadisay go’aannada kasoo baxay shirkii Muqdisho

0

MUQDISO (SMN) – Qaramada Midoobay ayaa war kasoo saartay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee shalay lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa waxaa marka hore lagu soo dhoweeyay go’aannada ay si wadajir u gaareen madaxda Golaha Wadatashiga.

QM ayaa sidoo kale shaacisay in ay tahay in la dhaqan geliyo go’aannadan si loo gaaro natiijo lagu kalsoonaan karo oo si weyn loo wada aqbalay  ugu dambayn 25 February.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ku boorisay madaxda Soomaaliyeed inay ka fogaadaan wax kasta oo uga sii dari kara xiisadda haatan taagan.

Golaha Wadatashiga ayaa go’aamiyey in doorashada Golaha Shacabka oo muhiim u ah mida madaxweynaha lagu soo gabagabeeyo muddo 40 cisho gudaheed ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here